(Sawirro) Haweeney iyadoo nin iska dhigeysa guursatay haween kale oo lagu qabtay Gaalkacyo

Waxaa Magaalada Gaalkacyo lagu qabtay haweeney yaab leh oo in muddo ah iska dhigeysay inay tahay Nin taasoo u lebisan jirtay sidda ragga, iyadoo kiiskeeda baaritaan lagu bilaabay, laguna xiray saldhigga Booliska magaaladaasi.

Taliyaha Booliska Gobolka Mudug Maxamed Nuur Cali ayaa warbaahinta u sheegay in ciidamada amniga ay qabteen haweeneydan iska dhigeysay inay tahay ragga ayna xiliga la soo qabanayay  gacanta ku wadatay Bastoolad.

Haweeneydan oo magaceeda lagu sheegay Deeqo Cabdullaahi Aadan balse dadku u yaqaaneen (Deeq C/llaahi) ayaa saxaafadda loo soo bandhigay, waxayna sheegtay inay nin ahaan ku shaqeysan jirtay in muddo ah oo xarumo ganacsi ay ilaalin jirtay, waxayna xirneyd Shaar, Macawis, iyo cimaamad iyadoo wadatay tusbax.

Sheekooyinka la yaabka leh ee laga soo werinayo haweeneydan ayaa waxaa ka mid ah iney guursan jirtay Haweenka kale iyadoo nin iska dhigaysa, waxeyna isticmaali jirtay xubinta taranka ragga oo gacan ku sameys ah, sida ka muuqaya sawirada hoose waxayna horey u furtay haween kale oo nin ahaan ay u guursatay.

Sheekada ku saabsan haweeneysan ninka iska dhigeysay oo ah mid ku cusub dhegaha bulshada ah ayaa si weyn looga hadal hayaa magaalada Gaalkacyo, waxayna sheekadeeda qabsatay saaka baraha bulshada, iyadoo dadku isweydiinayaan waxa ku kalifay haweeneydan iney arrimahan ku kacdo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -