Madaxweyne Erdogan oo kasoo horjeestay Heshiiska lagu tilmaamay midkii Qarniga

Madaxweynaha Turkiga Reccep Tayyip Erdogan ayaa si adag uga hor yimid heshiiska lagu tilmaamay midkii qarniga, waxa uuna cadeeyay in Turkiga si cad uga soo horjeedo Heshiiskaasi garwadeynka ka yaha Mareykanka.

Waxa uu sheegay Madaxweyne Erdogan in wax aan xitaa laga hadli karin ay tahay in Tukriga uu taageero qorshaha Mareykanka ka leeyahay heshiiskaasi oo qeyb ka ah mid dhaqaale uu Mareykanka uu ugu talo-galay maamulka Falastiin.

Madaxweyne Erdogan ayaa xili uu diyaarad saarnaa kana soo laabanayay shirka G-20 ee ka dhacay dalka Japan Wariyaasha u sheegay in wax aan laga hadli karin ay tahay in ay si wanaagsan u eegaan qorshaha Mareykanka wato.

Qorshaha Mareykanka ayaa ku baaqayaa maal-gelin 50 bilyan oo dollar ah oo muddo 10 sano ah lagu sameynayo dhulalka Falastiiniyiinta iyo dalalka Carabta ee deriska la ah, waxaa sidoo kale qorshahaasi kamid ah in hal milyan oo shaqooyin ah loo abuuro Falastiiniyiinta.

Waxa uu Qorshahan qeyb ka yahay qorshaha maamulka madaxweyne Trump uu ugu talo-galay Falastiin iyo Israel, kaasi oo loogu magac-daray “heshiiska qarniga., waxaana waxa loogu yeeray Heshiiska Qarniga kasoo horjeeda maamulka Falastiin.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -