Faah Faahin laga bixiyay Haweeney Meydkeeda laga helay Hotel kuyaala Muqdisho

Gudoomayaha Degmada Howlwadaag ee gobolka Banaadir Mustaf Cali Kheyre ayaa faah faahin ka bixiyay Dilkii Hotelka Kuyaala Xaafada Baar Ubax loo geystey Sumaya Yuusuf Barkhadle .

Gabadhan ayaa meydkeeda shalay laga helay qoL kamid ah hotelka Caamir oo kuyaala Baar Ubax , waxaana socda baaritaano lagu ogaanado ruuxii ka dambeeyay dilka gabadhaasi oo aheyd hooyo heesatay shan caruur ah.

“Waxaa ka mid ahaa Dadkii ugu horeeyey ee Qolka Hotelka uga gala qaarka sare waa ka qaawaneyd sidoo kale Caloosha waa Bararasaneyd, Qolka waxaa yiiley Raashin iyo wax bac u eg oo aan u maleynayo in wax Sun u eg ku jiraan ” ayuu yiri Gudoomiye Mustaf.

Waxa uu sheegay Gudoomiyaha degmada Howlwadaag in Kiiska gabadhan meydkeeda la helay loo xiray  4 qof oo sadex kamid ah la sheegay in Hotelka degnaayeen halka ruuxa kale uu yahay masuulkii hotelka.

Gudooomiye Mustaf waxaa uu sheegey in Baaritaanka uu socda oo ay ka War sugayaan Ciidamada Booliiska isagoo sheegey in weli la hayn Qofka looga shakisan yahay Dilka Sumaya oo Saacado ka hor Hotelka ka baxay.

Ninka lagu tuhmayo in uu ka dambeeyay dilka Suleeqa ayaa la sheegay in uu sameeyay farsamooyin badan si aan raadkiisa loo helin, waxa uuna ninkan lacagtii kirada Hotelka ka tuuray telfoonka gabadha uu dilay .

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -