Kheyre oo gaarsiiyay Dadka Caabudwaaq Fariin uu ka waday Madaxweyne Farmaajo (Daawo Sawirada)

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre, oo safar dhulka ah uga soo baxay magaalada Cadaado ayaa waxaa si heer sare ah magaalada Caabuudwaaq ugu usoo dhaweeyay madaxwayne ku-xigeenka Galmudug, Wasiirro, xildhibaanno, maamulka Caabduudwaaq iyo kumannaan dadwayne ah.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa fagaaraha magaalada Caabuudwaaq waxa uu khudbad ugu jeediyay kumannaan dadweyne ah oo isugu soo baxay soo dhawaynta wafdiga uu hoggaaminayo.

Mudane Xasan Cali Khayre oo ka mahadceliyay soo dhawaynta ballaaran ayaa khudbadda uu jeediyay uga hadlay qorshaha safarka uu ku marayo deegaannada Galmudug oo ku salaysan ka qayb qaadashada dhismaha maamulka Galmudug, waxa uuna gaarsiiyay farriin uu uga siday Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo).

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ka codsaday reer Caabuudwaaq in ay qayb ka qaataan dhismaha dowlad gobaleed Galmudug loo dhanyahay, sal adag, ka shaqaysa danaha reer Galmudug, wada-shaqayn wanaagsanna ay kala dhexeyso dowladda federaalka Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Cadaado kulamo wadatashi ah kula soo yeeshay qaybaha kala duwan ee bulshada iyo siyaasiyiinta ayaa inta uu joogo Caabuudwaaq waxa uu sidoo kale la fariisanayaa bulshada deegaanka si ay taladooda ugu daraan dhismaha dowlad gobaleed Galmudug loo dhanyahay.

- Advertisement -