Kulamo kala duwan oo Xasaasi ah oo caawa ka socda magaalada Cadaado

Magaalada Cadaado ee xarunta Baarlamaanka maamulka Galmudug waxaa caawa ka socda kulamo xasaasi ah oo ay leeyihiin Wafdiga Ra’isul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya iyo masuuliyiin horey ugu sugnaa Cadaado.

Kulamada caawa socda ayaa ah kuwa looga arinsanayo sidii xal loogu heli lahaa doorashada hogaanka Galmudug oo wali muran ka taagan yahay halka lagu qabanayo iyo waliba xiliga rasmiga ah ay dhaceyso doorashada.

Wafdiga uu horkacayay Ra’isul Wasaare Kheyre ee galabta gaaray Cadaado ayaa kulamo la leh Xildhibaano katirsan labada Aqal ee Baarlamaanka oo horey ugu sugnaa magaalada Cadaado iyo masuuliyiin katirsan maamulka Galmudug uu ugu sareeyo Madaxweyne Xaaf.

Ra’isul Wasaare Kheyre iyo wafdigiisa ayaa doonaya in Madaxweynaha Galmudug, Xildhibaanada iyo Waxgaradka Cadaado ka dhaa dhiciyaan sidii loo dhisi lahaa Galmudug mideesan iyo sidoo kale in doorashada ka dhacdo magaalada Dhuuso Mareeb.

Kulama caawa socda oo ah kuwa kala gooni gooni ah ayaan wali kasoo bixin wax natiijo ah, waxaana la filayaa kulamada in ay sii socdaan ilaa beri inta laga gaarayo xal iyo isfahan dan u ah yagleelida Galmudug cusub.

   Halkan ka Daawo wararka Allbanaadir Online oo Muuqaal ah

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -