Somaliland oo si adag uga jawaabtay hadal kasoo yeeray Madaxweyne Farmaajo

Maamulka Somaliland ayaa si adag uga jawaabtay hadal xalay kasoo yeeray Madaxweynaha Soomaaliya oo ugu baaqayay Dadka kunool gobolada Waqooyi in mar kale hormuud u noqdaan midnimada iyo wadajirka dalka Soomaaliya.

War Saxaafadeed kasoo baxay Madaxtooyada Somaliland ayaa lagu sheegay in hadalka Madaxweyne Farmaajo uu ahaa gef , waxa ayna Somaliland sheegtay in hadalada madaxda Soomaalida u muuqdaan kuwa keenaya kala fogaansho sidoo kale anuuraya colaad

Halkan ka Akhriso Qoraalka kasoo baxay Madaxtooyada Somaliland 

Shacabka Jamhuuriyadda Somaliland, waxa ladh iyo dacar ku kiciyey hadalka Madaxweynaha Maamulka Muqdisho ee ah, “Wax walba waxa loo hurayaa sidii loo soo celin lahaa Somaliland”. Waxa gef ah in Maamulka Muqdisho iyagoo og dhibtii ay u gaysteen shacabka Jamhuuriyadda Somaliland, in ay waliba ku tiraabaan, waxaanu u dabaal-dagayaa Xornimadii Somaliland ee 26 June 1960-kii. Ma waxay u dabaal-degayaan diyaaradihii iyo madaafiicdii ay la dhaceen shacabka Soamaliland? Marka aadse u dabaal-degaysaan 26 June oo aydaan halgankeedii waxba ku lahayn wax-yeelo mooyee, ma waxaad ujeedaan in aad muujisaan in Somaliland wali tahay qayb ka mid ah Soomaaliya? Waa aragti dhalanteed ah. Waxaannu u aragnaa colaad la sii hurinayo, kala fogaansho iyo dib u soo celinta damaqa xusuusta dhibaatadii gaadhay shacabka Jamhuuriyadda Somaliland.

Xafladdaynta Muqdisho iyo hadallada naxliga leh ee maamulka Muqdisho waxa ay la micno yihiin wixii dhibaato aan kuu gaystay ka garaabi maayo, waliba waxaan duudsiyayaa go’aanka Shacabka Somaliland ku gaadheen in ay dib ula noqdaan xoriyaddii kaga luntay walaalnimo jacaylka iyo midnimadii dayaxeedu dhacay.

   Halkan ka Daawo wararka Allbanaadir Online oo Muuqaal ah

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -