Maraakiib lagu weeraray biyaha u dhaxeeya Imaaraadka iyo Iiraan (Daawo Sawirada)

Markab nuuca saliidda qaada oo laga leeyahay dalka Norway ayaa la sheegay in maanta oo khamiis ah lagu weeraray Gacanka Cuman ee u dhaxeeya dalalka Imaaraadka Carabta iyo Iran.

War kasoo baxay Hay’adda Ilaalada Badaha ee Norway ayaa lagu sheegay in saddex qarax laga maqlay markabka oo lagu magacaabo Front Altair  , waxaana la sheegay in dadkii saarnaa Markabka aysna dhibaato kasoo gaarin.

Hay’addan warka ay soo saartay ayaa sidoo kale lagu sheegay in Doon nuuca xamuulka qaada ah oo iyana lagu magacaabo  Kokuka Courageou lagu weeraray goob aan ka fogeyn halkii lagu weeraray Markabka Front Altair.

Ciidamada badda Iran ayaa soo bad-baadiyey 44 qof oo ah shaqaalaha laba Markab oo saliidda qaada oo dab uu ka kacay kadib dhacdo ku qabsatay gacanka Cuman, sida ay sheegtay wakaaladda wararka Iran ee IRNA.

“44 badmaaxayaal oo saarnaa laba markib oo shisheeye ayaa waxaa badda kasoo badbaadiyey ciidamada badda ee qeybta gobolka Hormozgan waxaana la geeyey dekedda Bandar-e-Jask” ayaa wakaaladda wararka IRNA ay kasoo xigatay ilo-wareed.

Mid ka mid ah maraakiibka oo sita calanka jaziiradda Marshall Islands ayaa kiimikada shidaalka lagu daro ee Ethanol kasoo qaaday dalka Qatar una socda Taiwan, waxaana saarnaa 23 shaqaale.

Markabka kale oo ay saarnaayeen 21 shaqaale, ayaa sita calanka dalka Panama, wuxuuna kasoo tagay dalka Sacuudiga una socda Singapore, lama oga ilaa hada waxa sababay dabka ka kacay maraakiibta, balse waxaa loo malaynayaa in la weeraray.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -