Ciidamo la wareegay Xarunta maamulka Gobolka Hiiraan iyo Koontaroolka Kalabeyr

Ciidamada AMISOM ee ka socda dalalka Jabuuti iyo Itoobiya ayaa la wareegay xarunta maamulka Gobolka Hiiraan ee magaalada Baladweyne iyo Koontaroolka Kalabeyr ee kuyaala duleedka magaalada.

Sida aan Wararka ku helnay ciidamo aad u hubeesan oo kasoo jeeda dalka Jabuuti ayaa maanta si buuxda ula wareegay amaanka xarunta maamulka gobolka Hiiraan ay ku sugnaayeen ciidamo daacad u ahaa Yuusuf Dabageed.

Ciidamo kale oo Itoobiyaan ah oo iyana qeyb ka ah howlgalka AMISOM ayaa la wareegay koontaroolka Kalabeyr ee kuyaala duleedka magaalada Baladweyne halkaas uu shalay ka dhacay dagaal uu ku dhintay taliyihii booliiska gobolka Hiiraan.

Goobahan ay la wareegeen ciidamada AMISOM ayaa horey waxaa ugu sugnaa ciidamo daacad u ahaa Gudoomiyihii xilka laga qaaday ee gobolka Hiiraan Yuusuf Dabageed kaa oo wali diidan in xilka wareejiyo.

Magaalada Baladweyne ayaa waxaa maalmihii lasoo dhaafay ka taagnaa xiisad u dhaxeesay ciidamada taabacsan Yuusuf Dabageed iyo ciidamo kale oo iyana taageersan Gudoomiyaha cusub ee loo magacaabay gobolka Hiiraan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -