Madaxweyne Farmaajo oo Guddi baaritaan u magacaabay dagaalkii lagu dilay Taliye Macaw

Madaxweynaha dowlada federaalka Soomaaliya ayaa magacaabay guddi baaris ku sameeya dagaal shalay ka dhacay deegaanka Kala beer ee kuyaala duleedka magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Dagaalka ka dhacay duleedka magaalada Baladweyne ayaa u dhaxeeyay ciidamo kawada tirsan dowlada federaalka Soomaaliya, kuwaa oo kala taabacsanaa Gudoomiyihii xilka laga qaaday ee Yuusuf Dabageed iyo Gudoomiyaha cusub ee la magacaabay.

Dagaalka waxaa ku dhintay dhoor qof uu ku jiray taliyihii qeybta booliiska gobolka Hiiraan  Maxamed Macow Xalane, waxaa sidoo kale dhaawacyo kala duwan uu dagaalka kasoo gaaray saraakiil iyo ciidamo katirsan dowlada.

Guddiga Madaxweynaha Soomaaliya u magacaabay in ay soo baaraan dagaalka ka dhacay duleedka magaalada Baladweyne ayaa waxaa Gudoomiye looga dhigay taliyaha ciidanka Asluubta  Jeneraal Bashiir Maxamed Jaamac .

Waxaa la filayaa in guddigan baarista ee loo xil saaray ay gaaraan magaalada Baladweyne si ay halkaasi baaritaano uga bilaabaan, waxaana baaritaanada kadib kiiskaasi ka howlgali doona Maxkamada ciidamada qalabka sida.

Magaalada Baladweyne ayaa maalmihii lasoo dhaafay waxaa ka taagnaa xiisda ka dhalatay xil ka qaadis lagu sameeyay Gudoomiyihii gobolka Hiiraan Yuusuf Dabageed, waxa ayna xiisada shalay isku badashay dagaal khasaaro kala duwan dhaliyay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -