Somaliland oo sii deysay Maxaabiis ay ku qabatay dagaalkii Tukaraq (Akhriso Magacyada)

Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa munaasabadii 18-kii May, ka sheegay in Somaliland mar walba nabad buuxda u hayso cid kasta, sidaa awgeedna sii daynayso maxaabiistii lagu qabtay dagaalkii Tukaraq ee  la galeen Puntland.

Maamulka Somaliland ayaana maanta xuriyadooda siiyay 14-maxbuus oo Somaliland sheegtay in ay ku qabatay dagaalkii sanadkii hore la galeen maamulka Puntland ee ka dhacay Deegaanka Tukaraq.

Maxaabiistan ay siidaayeen maamulka Puntland ayaana la filayaa in dib ugu laabtaan deegaanadooda si ay mar kale ula midoobaan qoysaskooda ay kala maqnaayeen bilooyin badan ay xabsi ku jireen.

Maamulka Puntland oo dhankiisa horey u sheegay in Somaliland dagaalka maxaabiis uga qabteen ayaan la ogeyn talaabada ay uga jawaabi doonaan go’aanka ay Somaliland kusii deysay Maxaabiistii ay Puntland ka heysay.

Halkan ka Akhriso Magacada Maxaabiisa ay sii daayeen maamulka Somaliland.

1) Cabdi-naasir Cismaan Cali
2) Cabdi-nuur Maxamed Cabdulle
3) Maxamed Siciid Yuusuf
4) Cali Faarax Aadan
5) Maxamed Cabdi Caynab
6) Cabdi-xaafid Cabdillaahi Xalane
7) Xuseen Siciid Warsame
8) Cabdi-naasir Maxamed Nuur
9) Maxamed Abshir Aadan
10) Ibraahin Xasan Salaad
11) Axmed Maxamed Axmed
12) Siciid Ducaale Cali
13) Mahad Nuur Cali
14) Faarax Maxamed Cabdi

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -