Sirdoonka Sacuudiga oo qorsheynaya dilka rag saaxiibo la ahaa Jamal Khashoqji

Sirdoonka Mareykanka ayaa laamaha amaanka Norway la wadaagay macluumaad sheegaya in halis xaga amnigiisa shaqsiyeed ah ay soo wajihi karto Iyad El-Baghdadi.

Ninkan oo ahaa qoraa u dhashay dalka Falastiin, ayaa saaxiib dhow la ahaa wariyihii ay sirdoonka Sacuudiga ku dhex dileen qunsuliyada Turkiga, ee Jamaal Kashoqi.

EL-Baghdadi ayaa magangalyo Norway ka helay sanadkii 2015, iyadoo horey ay isugu dayeen inay dilaan sirdoonka dowlado dhowr ah oo Khaliijka ah.

CIA-da ayaa sheegtay inay heleen macluumaad sheegaya inay halis ku jiri karaan amniga dadkii ka ag dhawaa, ama saaxiibka la ahaa wariye Jamaal Kashogqi.

Waxeyna si gaar ah u magacaabeen saddex qof oo uu ka mid yahay Iyad Baqdadii oo Norway magangalyo ka helay.

Waxaana xog la helay ay CIA-du sheegtay in sirdoonka Sacuudiga ay wali ku raad-joogaan dadkii ka ag dhawaa Jamaal Kashoqi, kuwaasoo ay ka cabsi qabaan inay hayaan macluumaad banaanka keeni kara siro qarsoon oo la xiriira dilkii wariye Jamaal Kashoqji.

Sida uu qoray wargeyska New York Times, CIA-da ayaa warbixintan digniinta ah la wadaagtay dowladaha Norway iyo Canada oo ay ku nool yihiin labo ka mid ah sadexda qof ee bartilmaameedka u ah sirdoonka Sacuudiga.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -