Saraakiil iyo Askar loo xiray iska hor imaadyo ka dhacay Muqdisho

Waxaa labadii maalin ee lasoo dhaafay qeybo kamid ah magaalada Muqdisho ka dhacay iska hor imaadyo u dhaxeeyay ciidano katirsan booliiska Soomaaliya ee sugaya amaanka Muqdisho iyo ciidamo Milatari ah.

Taliyaha Booliska Soomaaliya Jen. Bashiir Cabdi Maxamed oo Warbaahinta kula hadlay Muqdisho ayaa sheegay in saraakiil iyo ciidamo loo xiray iska hor imaadyadii ka dhacay Muqdisho.

Waxa uu sheegay in Hay’adaha amaanka ku guuleesteen in ay soo xiraan saraakiil iyo ciidamo lagu tuhmayo in ay ku lug lahaayeen iska hor imaadyadii shalay iyo daraad ka dhacay Muqdisho.

Taliyaha ayaa cadeeyay in talaabo adag laga qaado doono askarigii ka hor yimaada hanaanka sugida amaanka Muqdisho,waxa uu sidoo kale taliyaha sheegay in masuuliyiinta dowlada lagula xisaabtami doono dhibaatada ay geestaan askarta ilaalada u ah.

Hadalka taliyaha ayaa kusoo aadaya xili magaalada Muqdisho kusoo kordhayaan isku dhacyada u dhaxeeya ciidanka dowlada, waxaana isku dhacyadaasi ka dhasha khasaaro soo gaara dadka shacabka ah.

 

- Advertisement -