Hooyo dhashay Mantaano kala Aabo ah (Dhacdo aad loola Yaabay) !! 

Sida ay Qortay Jariidada Daily Mall , Hooyo Shiinees ee ku nooleeyd magaalada Xiamen ee Koofur Bari dalkaas ayaa umushay, waxayna dhashay laba wiil oo mantaano ah , kuwaas oo la ogaaday in kala Aabo yihiin .

Waxaana jiray shaki ah in Marwadaan ay saaxiib la aheyd Nin kale , kaas oo Asigana aaminsanaa in Ilamahaan uu asiga dhalay inkastoo si sharci Ninka kale u qabay. Labada Nin ayaa iskula dacwooday Booliska , waxana lagu amray in la sameeyo Baaritaanka hidesidayaashooda ( DNA) si lagu ogaado xeriirka ka dhaxeeyo waalidka iyo Ilamaha.

Waxaana la ogaaday in labada Ilmo ay kala Aabo yihiin, islamarkaana Uurkaan uu yimid kadib markii Hooyadaan isla hal maalin gudahood laba jeer ay sameeysay Galmo kala duwan ayadoo Riximkeeda u diyaarsanaa in ay Uur qaado, sidaas darteedna ay sababtay in Ilamahaan kala Aabo noqdaan.

Nin naagta qabay ayaa marka hore aad ugu xanaaqay Xaaskiisa inta la joogay Cisbitaalka laakin marka dambe ayuu sheegay in uu ku faraxsanyahay in Aabo u yahay mid ka mid ah Caruurta uuna ku dadaali doono midka uu dhalay.

Dhacdooyinka Noocaan ayaa dhif ku ah Aduunka , waxana jirtay in hada ka horna lagu arkay sidoo kale Shiinaha mid la mid ah tan hada dhacday, waxa ayna arintan noqotay mid si weyn loo hadal hayo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -