Xildhibaan sheegay in Ra’isul Wasaare Kheyre booqday magaalo uu Gumeysi ka jiro !!

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa sheegay in Ra’isul Wasaare Kheyre uu booqasho ku joogo magaalada Kismaayo uu tilmaamay in gumeysi ka jiro.

Waxa uu sheegay Xildhibaan Daahir in Ra’isul Wasaare Kheyre uu la kulmay dad gaar ah oo loo soo xulay, waxa uuna kula taliyay Ra’isul Wasaaraha in uu la kulmo dadka la dulmiyay kana taxadaro amaankooda.

Xildhibaan Jeesow oo beeshiisa degto Kismaayo ayaa xusay in Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe uu gumeysi galiyay dadka ku dhaqan magaalada Kismaayo, waxa uuna tilmaamay in uu adeegsanayo ciidamada Kenya iyo ciidamo isaga uu leeyahay.

“Dadka Reer Kismaayo adoonsi ayay ku jiraan, dadkii loo baahnaa Ra’iisul Wasaaraha lama kulmin dad gaar ah ayaa loo soo xulay,marka ra’iisul wasaaraha dhibka meesha ka jira wa uu ogyahay,waxana laga rabaa in isaga oo ka taxadaraya ammaankooda uu dadkaasi qaabilo lana kulmo ayuu yiri Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow.

Xildhibaan Daahir Jeesow ayaa sheegay in Hogaamiyaha Jubbaland Axmed Madoobe uu ka haray Koox yar oo Al-Shabaab kasoo go’aday oo uu sheegay inay ka mid ahaayeen Aas-aasayashii,balse ay isku khilaafeen Maamulida Magalada Kismaayo.

Hadalka kasoo yeeray Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow ayaa kusoo aadaya xili magaalada Kismaayo uu joogo Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya oo la sheegay in ka shaqeeyo heshiis ay galaan dowlada Federaalka iyo Maamulka Jubbaland.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -