Mid kamid ah Taliyaasha ciidamada dalka Sudan oo Muqdisho yimid (Daawo Sawirada)

Waxaa magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya si heer sare ah loogu soo dhaweeyay Wafdi uu horkacayay Taliyaha Ciidanka Asluubta ee wadanka Suudan Sareye Guud Xatim Alnuur Cabdulqaadir.

Taliyaha ciidanka Asluubta Suudan iyo Saraakiil kale oo la socotay ayaa Muqdisho ku yimid casuumad ay ka heleen taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliya, wafdigan ayaana maanta Muqdisho uga qeyb galaya xuska aas aaska ciidanka Asluubta Soomaaliya.

Sareye Guud Xatim Alnuur Cabdulqaadir ayaa sheegay in socdalkiisa uu ku qotomo ka qeyb galka munaasabadad Ciidanka Asluubta, islamarkana ay isdhafsan doonaan asiga iyo dhigiisa qibradaha dhanka ciidanka.

Maanta ayaa lagu wadaa un magaalada Muqdisho ka dhacdo munaasabad balaaran oo lagu xusayo aas aaska ciidanka asluubta Soomaaliya, waxaana munaasabada la filayaa in ay ka qeyb galaan madaxda sare ee dalka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -