Heyaddii Sadexaad oo u hogaansantay go’aan dhowaan ka soo baxay Xukuumada Somalia

Magaalada Muqdisho maanta waxaa si rasmi ah looga furay xafiiska Hay’adda Care International ee Soomaaliya, waxaana xarigga ka jaray Wasiirka Qorsheynta Somalia Jamaal Maxamed Xasan iyo madaxda Hay’adaasi.

Xafiiska Hay’adda Care International ayaa laga soo raray Kenya, taasoo qeyb ka ah dhaqangelinta go’aan horey ay u soo saartay dowladda Soomaaliya oo ahaa in hay’adaha arrimaha Soomaaliya ka shaqeeya ay u soo guuraan Soomaaliya.

Hay’adda Care International waxay ka shaqaysaa barnaamijyada Biyaha, Waxbarashada, caafimaadka, tababarada macalimiinta, bulshada Rayidka iyo horumarinta saxaafadda.

Talaabadan ayaa muujinaysa isbedelada kajira dalka iyo sidii guud ahaan adeegyada loo qabanayo bulshada Soomaaliyeed xafiisyada qaabilsan Soomaaliya ay uga shaqeyn lahaayeen, iyadoo la ogyahay in ay ku shaqeyn jireen meel ka baxsan Soomaaliya.

Horey waxaa go’aanka ka soo baxay dowlada u hogaansamay oo magaalada Muqdisho u soo guuray Hay’adda Socdaalka ee IOM iyo heyadda QM u qaabilsan daryeelka caruurta ee UNICEF, iyadoo Care International ay noqotay heyaddii 3aad ee u hogaansanta go’aanka dowlada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -