Xeerka Xuquuqda Siyaasiyiinta Dowlada oo maanta la ansixiyay

Xildhibaanada golaha shacabka ayaa maanta kulankooda caadiga ahaa ku yeeshay xarunta golaha, waxaana shirka maanta Gudoominayay gudoomiyaha golaha shacabka Maxamed Mursal Sheekh.

Kulanka Baarkamaanka Soomaaliya waxaa soo xaadiray 170-Xildhibaan, waxaana ajandaha kulanka uu maanta ahaa meel marinta iyo ka doodista  xeerka xuquuqda siyaasiyiinta dowladda.

Guddoomiyaha Guddiga Xeer Hoosaadka Maxamuud Macalin Yaxye ayaa xildhibaanada kahor akhriyay sharciga xaqsiinta Siyaasiyiinta Dowladda, waxa ayna Xildhibaanada akhrinta kadib guda galeen in ay cod u qaadaan xeerkan.

Xeerkan waxaa ogolaaday in la dhaqan galiyo 167 Xildhibaan, waxaa diiday hal Xildhibaan halka ay ka aamuseen labo Xildhibaan oo kale, waxa uuna Gudoomiyaha golaha shacabka ku dhawaaqay in xeerkan ansax yahay.

Fadhiyada kulamada Baarlamaanka ayaa maalmihii lasoo dhaafay u baaqanayay khilaaf ka dhashay kala diristii guddiga Maaliyada , miisaaniyada iyo la xisaabtanka Hay’adaha dowlada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -