Musharixiinta Puntland qaarkood oo qaaday talaabo sii hurineysa khilaafka Gaas & Camey

16 ka mid ah musharixiinta u taagan doorashada Madaxweynaha Puntland ayaa  taageeray Guddigii ansixinta iyo xalinta khilaafaadka ee uu Magacaabay Madaxweyne ku xigeenka Puntland.

War-saxaafadeed ay soo saareen Musharixiinta ayaa waxay ku sheegeen inay taageerayaan Guddigaas,iyagoo dhinaca kale ka soo horjeestay guddigii uu shalay magacaabay Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Cali Gaas.

Waxay sheegeen in Xubnaha Guddiga ka kooban 8 Xubnood ee uu Magacaabay Madaxweyne ku xigeenka Puntland ay ku yimaadeen wadatashi ayna la shaqeyn doonaan.

Musharaxiinta soo saaray War-saxaafadeedka ayaa waxay kala yihiin:-

Dr. Aadan Maxamad Ciise (Gaadaale)

Eng. Cabdirizaaq Cabdullahi Jaamac (Jannagale)

General Khaliif Ciise Mudan

Eng. Maxamad Cabdullahi Xuseen (Shortaaye)

Cali Xaaji warsame

Maxamad Siciid (Morgan)

C/samad Maxamad (Gallan)

General Axmad Jaamac (Shaale)

Mudane Mohamud Cabdi Maxamad

General Siciid Maxamad Xirsi (Siciid dheere)

Xuseen Axmad Xasan Fiqi

Saciid Cali

Dr. Maxamad Salaad (Qoryooley)

Dr. Saadiq Eenow

Xaaji Maxamad Yaasiin

C/weli C/maan Geyre .

Talaabada ay qaadeen musharaxiintan ayaa uga sii dareysa khilaafka ka dhex curtay Madaxweynaha Puntland iyo ku-xigeenkiisa oo si weyn looga hadal hayo degaanada Puntland.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -