Darbi jiif ka hortagay Soomaali Weerar geestay oo lacag badan loo aruuriyay

Nin darbi jiif ah oo jimcihii lasoo dhaafay ka hortagay Weerar nin Soomaali ah ka geestay  magaalada Melbourne ee dalka Australia ayaa loogu yaboohay lacag aad u badan oo lagu taageerayo noloshiisa.

Michael Rogers, oo ah nin darbi jiif ah ayaa jimcihii taroole alaabta lagu qaato uga hortagay nin Soomaali ah oo doonayay in uu mindi ku dilo labo sargaal oo katirsan ciidanka booliiska Australia.

Ninka Soomaaliga ah ee weerarka geestay oo lagu magacaabo Hassan Khalif Shire Ali ayaa dilay milkiile makhaayad halka uu dhaawacay labo ruux oo kale, waxaana markii dambe ninkan Soomaaliga toogtay ciidanka booliiska.

” Waxa aan ku tuuray Trolle-ga aan watay kadibna waan qabtay inkastoo aysan ii suura galin in aan dhulka dhigo. ” ayuu Warbaahinta u sheegay Michael Rogers oo kamid ah dadka aan guryaha heysan ee darbiyada kunool.

Sheekada ninka darbi jiifka oo lagu baahiyay baraha bulshada ayaa la bilaabay olole lacag loogu aruurinayo, waxaana ninkan loogu magac daray ninkii Tarooliga ayaa loo aruuriyay lacag gaareysa 100,000 oo doolarka dalka Australia.

Bog lagu magacaabo GoFundMe oo lacagaha deeqaha lagu aruuriyo ayaa ka caawiyay Mr Rogers in uu helo lacagtaasi aadka u badan, waxaana lacagta ninkan loogu deeqay bixiyay 3,388 oo qof .

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -