Ma shaqeyn doonaa go’aanka DF ku dalbatay in la xiro xafiiska QM ee Somalia?

Dawladda Soomaaliya si lama filan ah waxay u soo bandhigtay inaysan codsan doonin dib u cusboonaysiinta qaraarka tirsigiisu yahay 2705 (2023) ee uu ku howlgallo xafiiska siyaasadda Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM), si loo xiro xafiiskan oo mas’uul uga ah Qaramada Midoobay arrimaha siyaasadda, dhaqaalaha iyo amniga Soomaaliya.

Xafiiska siyaasadda Qaramada Midoobay, wuxuu ku howlgalka mid ka mid ah qaraarada ugu muhiimsan oo gudaha Qaramada Midoobay looga arko, mid lagu badbaadiyo dalalka aan lahayn dawlad awood leh oo si buuxda aan dalkeeda uga dhaqangelin karin hannaan sharci, ammaan, dhaqaale iyo siyaasad oo la isku raacsan yahay, muddada uu dal ku jiro waxa loogu yeero cutubka toddobaad (chapter 7), waa wax u dhigma dal aan madax bannaanayn oo aayahiisa uu yaallo Qaramada Midoobay, waxaa jira dalal dhowr ah oo lagu soo xukumay oo laga xusi karo Ciraaq, Afgaanistaan iyo Sudan oo labo bil ka hor xirtay cutubkan. Dalka inta lugu maamullayo cutubkan go’aamo u gaar ah kama gaari karo arrimaha siyaasadda, dhaqaalaha iyo amniga illaa lagu qanciyo golaha ammaanka, wuxuuna la kulma faragelin joogta ah, halka amnigiisa ay maamullan ciidamo shisheeye ah, waa sababta ATMIS ay u hoostagaan UNSOM, dal kasta oo ciidan nabad ilaalin ah ay joogaana waa halka koowaad ee lagu aqoonsado in lagu maamullo cutubka toddobaad.

Si dal uu u xiro cutubkan, waxaa jira meelo laga eego inuu isbeddel ka sameeyay oo ay ugu horreeyaan heerka awoodeed ee dawladnimada ka jirta dalkaa oo ay ugu horreyso sharciga, dhaqaalaha amniga iyo siyaasadda, iyadoo intaabaa la eegayo sida ay dalka uga shaqeeyaan hab wada-ogol ah.

Waa wax weyn oo waxtarta u ah qarinimada dal inuu ka gudbo cutubka toddobaad, Soomaaliya hadda waxaa loo arka inay ku dhawaan karto heer ay ka gudubto, kaddib cunaqabateynta hubka ee laga qaaday iyo deymaha oo laga cafiyay, arrimaha gudaha ayaase ah meelaha ay su’aalaha ka imaanayaan, maaddama kala arti duwanaanta siyaasadda ay tahay mid meel sare joogta, dawladda inaysan wali wada gaarin dalka, amniga iyo inaysan jirin wax soosaar dhaqaale oo gudaha ah oo Soomaaliya ay kaga maarmeyso deeqaha ayaa ah walaac, midda ugu sarreeya waa siyaasadda, walaaca ugu weyna waxaa wajahaya siyaasiyiinta iyo hoggaamiyayaasha dawlada-gobolleedyada oo arkaya mar kasta oo cutubkan laga tallaabo iyadoo aysan jirin maxkamad dastuuri ah oo ka hortagta ku takri fal awoodeed, waxay awood buuxda madaxtooyadda u yeelanaysa arrimaha siyaasadda iyo jiheyntooda.

Si cad haddii ay Dawladda Soomaaliya ku adkaysato go’aankan waa mid shaqeynaya oo dhalin kara in laga gudbo cutubkan, oo maalinta ay taa soo baxda Soomaaliya ka dhigaysa dal si buuxda u madax bannaan, madaxtooyadda Soomaaliyana waxay yeelanaysa awood buuxda oo qorshaheeda aysan ciddi diidi karin, laakin ma fududaa oo ka hor waqti ay u qabatay dawladda in la soo afjaro shaqada xafiiska ee bisha October, waxay la kulmi doonta cadaadis xoog leh oo haddaba si dhaqso ah loo arki karo, kaddib markii baraha telefishinka Dawladda iyo wakaaladda wararka ee dawladda laga saaray warqada codsiga ay dirtay dawladda ee lagu xirayo UNSOM, balse mar kasta oo dawladda ay sameyso dadaallo diblomaasiyadeed oo ay ku qancinayso dhinacyada cadaadiska saaraya in la joogo waqti ugu habboona ee la xiri lahaa cutubka toddobaad , markaa ayay gaari karta natiijada, balse haddii ay dhacdo ka hor October, inay dawladda warqadan ka laabato waxay la kulmi karta burbur diblomaasiyadeed oo cadaadiya.

Mar kasta oo lagu sii socdo go’aankan, kama dhignaan doonta in markiiba uu isbeddel dhacayo, balse waxaa la diyaarin doona khariirad kala-guur ah oo UNSOM lagu xirayo , taasoo waqti qaadan karta.

Wada-hadalkii ay dhowaan khadka telefoonka ku yeesheen Madaxweyne Xasan iyo xog-hayaha guud ee Qaramada Midoobay ayaa la sheegay Madaxweynaha inuu la wadaagay qorshaha ay ku doonayaan in la soo afjaro howlgalka UNSOM, taasoo tilmaam ka bixinaysa sida qarshahan u yahay mid ka yimid Madaxweynaha, laakin dadka dhaleecayna oo ay siyaasiyiinta ugu horreeyaan ayaa ku sheegay ujeeddooyinka Madaxweynaha uu ka leeyahay qorshahan inay ugu horreeyso ka hor May ,2026 inuu doonayo awoodda siyaasadeed inuu gacantiisa galiyo si uu fursad ugu yeesho iyadoon Qaramada Midoobay iyo beesha caalamka ka daba hadli karin inuu dejiyo hannaan doorasho oo fursad u siinaya inuu markii saddexaad  iyo markiisii labaad ee isku xigta inuu jooga xafiiska, tan oo ah qodobka ugu weyn ee ay cuskanayaan siyaasiyiinta si ay u muujiyaan walaacooda, maaddama aysan wali gaarin Soomaaliya inay cod mideysan ka yeeshaan siyaasiyiinta isbeddelo dhab ah oo qaranka uu gaaro oo ay ugu horreyso ka gudbida cutubka toddobaad.

- Advertisement -