Wasiir Cali Xoosh iyo Masuuliyiin kale oo maanta kormeer ku tagay Xarunta NIRA (Sawirro)

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS Md. Cali Yuusuf Cali (Xoosh) oo ay wehliyaan   masuuliyiin kale oo Wasaaradda ka tirsan ayaa kormeer shaqo ku tagay Xarunta dhexe ee Hay’adda aqoonsiga iyo diiwaan galinta Qaranka (NIRA).

Socdaalkaan wasiirka cusub ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa la xiriiray xog-waraysi, isbarasho iyo kormeer ku saabsan hannaanka iyo habsami u socodka shaqada diiwaangelinta dadweynaha.

Maareeyaha Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka (NIRA) mudane Cabdiweli Cali Cabdulle (Timacadde) ayaa sheegay in shaqo dardar leh ay qabteen muddadii yareyd ee ay hay’addu jirtay.

Wasiirka Cusub ee Wasaaradda Arimaha Gudaha  Cali Yuusuf Cali (Cali ayaa Maamulka Hay’adda aqoonsiga iyo diiwaangalinta Qaranka ku ammaaanay shaqada wanagsan ee ay u hayaan guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed, wuxuuna Wasiirku sheegay inay dardar galinayaan sidii kaarka aqoonsiga loo gaar siin lahaa guud ahaan dalka, si muwaadin kasta ay ugu sahlanaato qaadashada kaarka aqoonsiga Qaranka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -