Dowladda oo bilaabeysa Dagaal cusub oo ka dhanka ah Al Shabaab iyo ciidamo furumaha…

Dowladda Soomaaliya ayaa mar kale dib u bilaabeysa dagaalka ka dhanka ah kooxda Al Shabaab, ee wali ku xooggan deegaanno iyo degmooyin katirsan maamul goboleedyada Hirshabelle iyo Galmudug.

Ciidanka xoogga dalka ayaa guulo waa weyn horey uga gaaray howlgallo ay ka sameeyeen deegaannada Hirshabelle iyo Galmudug, hasa ahaatee ciidamada ayaa dib uga soo baxay degmooyin iyo deegaanno ay Al Shabaab horey uga qabsadeen.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo shalay booqday xeryo milatari oo kuyaalla magaalada Muqdisho ayaa halkaasi kasii sagootiyay ciidamo cusub oo loogu tala galay in ay hoggaamiyaan howlgalo cusub oo bilaabanaya.

Ciidankan ayuu Madaxweyne Xasan Sheekh kula dar daarmay in ay soo afjaraan kooxda Al Shabaab ee wali ku sugan deegaanno dalka katirsan, waxa uuna u sheegay ciidankan furumaha dagaalka loo dirayo in shacabka Soomaaliyeed ka sugayaan guulo.

Sida aan xoaha ku helnay ciidankan laga sagootiyay Muqdisho ayaa ku biiraya ciidanka jooga furumaha hore ee dagaalka, waxa ayna ciidankan hoggaamin doonaan howlgalo cusub oo la doonayo in Al Shabaab looga saaro deegaanno ay maamulaan.

Dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh oo dhowr mar qaaday guluf dagaal ayaa guulo wax ku ool ah soo hoyisay, hasa ahaatee guulahaasi ayaan noqon kuwa sii waara, waxaana ciidanka dowladda ay dib uga baxeen deegaanno badan ay Al Shabaab ka saareen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -