Ciidamada AMISOM oo isaga baxay degaan ay maalmo ka hor ka saareen Al-shabaab

Ciidamo ka tirsan AMISOM iyo kuwa dowlada federaalka Somalia ayaa maanta ka baxay degaanka Fiidow ee ku yaalla xadka kala qeybiya gobolada Sh/dhexe iyo Hiiraan, halkaasoo maalmo ka hor ay kala wareegeen Al-Shabaab.

Ciidamada Jabuuti ee ka tirsan AMISOM iyo qaar ka mid ah ciidanka dowlada ayaa dib ugu laabtay degmada Jalalaqsi, iyadoo ciidamada Burundi ay u jiheysteen dhinaca magaalada Jowhar oo ay markii horeba ay ka yimaadeen.

Xoogagii Al-Shabaab ee laga saaray degaanka Fiidow ayaa halkaas ayaa dib ugu laabtay wax yar ka dib markii ay ka baxeen ciidanka huwanta.

Lama oga sababta rasmiga ah ee ciidamada AMISOM uga baxeen degaanka Fiidow balse wararka qaar ayaa sheegaya iney ka baqeen degaankaas iney gu’doon ku noqdaan maadaama ay bilowdeen roobabkii xiliga deyrta.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -