Wasiir Cawad & danjire Hassan Bin Hamza oo ka wada hadlay qodobo muhiim ah (Sawirro)

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Mudane Danjire Axmed Ciise Cawad ayaa ku qaabilay xafiiskiisa Safiirka Dowladda aanu walaalaha nahay ee Qatar danjire Eng. Hassan Bin Hamza Asad Mohammed Hashim.

Intii kulanku socday ayaa la isku dhaafsaday hadallo la xiriira xiriirka salka adag iyo iskaashiga wadaagga ah ee labada dal u dhexeeya.

Qatar ayaa ka mid ah dowladaha dhinacyada dhaqaalaha iyo samafalka ka taageera Somalia, iyagoo dalka ka wada mashaariic kala duwan.

Danjire Eng. Hassan Bin Hamza Asad Mohammed Hashim ayaa sheegay in dowladiisu ay sii xoojineyso taageerada dhaqaale ee Somalia, isagoo bogaadiyey dedaalada ay wado dowlada ee la xiriira dhinacyada amniga, siyaasada iyo arrimaha bulshada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -