Ganacsade caan ah oo lagu dilay Muqdisho iyo faahfaahino ka soo baxaya

Nin bastoolad ku hubeysan ayaa goor dhow ku dilay degmada Xamar weyne ee magaalada Muqdisho nin ka mid ahaa ganacsatada caanka ah ee Suuqa degmadaas.

Marxuumka la dilay oo magaciisa la oran jiray Maxamed C/qaadir Jeylaani ayaa Carwo ganacsi ku lahaa wadada Via-Roma ee degmada Xamar-weyne.

Goob joogayaal ayaa sheegaya in isagoo howl maalmeedkiisa ganacsi iska wata uu carwada ugu soo galay nin bastoolad ku hubeysan oo halkaas ku dhex toogtay.

Ninka dilka geystay ayaa deg deg u baxsaday, iyadoo marxuumkana uu isla goobta ku qurbaxay, ciidamada amaanka ayaa wax yar ka dib goobtaas gaaray, kumana guuleysan iney soo qabtaan ninka dilka geystay.

Lama oga illaa hadda sababta loo dilay ganacsadahan iyo cida ka dambeysay, iyadoo arintan ay qeyb ka tahay falalka amaan daro iyo dilalka macno darada ah ee ka dhaca magaalada Muqdisho.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -