Garoon ciyaareed ay horey u xireen Al-shabaab oo mar kale dib loo furay

Maamulka Gobolka Banaadir iyo Saraakiisha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa kormeer la xiriiira howlgallada dhanka amniga ka sameeyay xalay degmada Yaaqshiid.

Kormeerka ayaa waxaa hoggaaminayay Guddoomiye ku xigeenka dhanka amniga iyo siyaasadda ee Gobolka Banaadir, Maxamed Cabdullaahi Tuulax oo soo maray qeybo badan oo kamid ah Degmadda Yaaqshiid , halkaasoo maamulka degmada iyo Ciidanka ammaankuba ay kawadeen xilligaas howlo lagu dar-dar gelinayo nabadgelyada.

Gudoomiye Tuulax ayaa intii uu kormeerka ku jiray waxaa uu tagay Garoon Dhallinyaradda Degmadaasi ay Kubadda Cagta ku ciyaari jireen balse ay xireen Al-Shabaab kadib markii ay u soo hanjabeen, isagoo sheegay in Caawa laga billaabo uu furan yahay Garoonku isla markaana ay ku Ciyaari karaan Dhallinyarada.

Wuxuu sheegay in Ururka Al Shabaab aysan ka talin magaalada Muqdisho, taasi bedelkeeda ayuu amar ku bixiyay inaan garoonkaas dib dambe loo xiri karin.

Gudoomiye  Maxamed C/llaahi Tuulax , ayaa Ciidanka Degmada iyo Laamaha ammaankuba faray inay adkeeyaan nabad gelyada degaanka iyo Garoomada Kubbadda Cagta si ay Dhallinyaradu ugu ciyaaraan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -