Abwaan iyo Macalin Jaamacadeed oo caan ka ahaa Muqdisho oo isku dhiibay Al Shabaab

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in nin abwaan ah oo kasoo jeeda deegaannada maamulka Somaliland, kuna sugnaa muddooyinkii dambe magaalada Muqdisho ayaa isku dhiibay kooxda Al Shabaab.

Abwaan Nageeye Cali Khaliif oo todobadii sano ee u dambeeyay ku sugnaa Muqdisho, kana mid ahaa bahda Suugaanta iyo barre Jaamacadeed ka ahaa Jaamacadda Ummadda ayaa la xaqiijiyay in uu ku biiray kooxda Al Shabaab.

Ninkan isku dhiibay kooxda Al Shabaab ayaa la sheegay in horey aragti ahaan u taageersanaa kooxda Al Shabaab, waxa uuna dhawwaan qoray buug uu ku taageerayo dhaq dhaaqa kooxda Al Shabaab iyo dagaalka ay ku jiraan.

Sirdoonka Soomaaliya ayaan wali ka hadlin ninkan la sheegay in uu kamid ahaa macalimiinta jaamacadda Umadda Soomaaliyeed ee isku dhiibay kooxda Al Shabaab , waxa uuna ninkan mushaar ka qaadanayay dowladda Soomaaliya oo hadda ka baxsaday.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -