Baarlamanka dalka Iran oo soo saaray sharci adag oo ka dhan ah Haweenka

Baarlamanka Iran ayaa meel mariyay sharci lagu kordhinayo ciqaabta ay la kulmayaan haweenka ku xadgudba xeerka labiska Islaamka ee dalkaas.

Waxay wajihi doonaan ilaa toban sano oo xabsi ah Haddii uu ansixiyo Golaha Ilaalada kacaanka ee Iran. Tan iyo markii ay billowdeen mudaaharaadyo baahsan sannadkii hore oo ka dhashay dhimashada Mahsa Amini dumar badan oo Iran u dhashay ayaa diiday inay timahooda asturaan.

Bilihii la soo dhaafay mas’uuliyiintu waxay kordhiyeen tillaabooyin lagu dhaqan gelinayo xeerka lebiska.

Waddooyinka, roondooyinka bilayska akhlaaqda ayaa dib loo soo celiyay, kamaradaha ilaalinta ayaa lagu rakibay goobaha dadweynaha

Sida ku cad sharciga cusub, qof kasta oo dumar ah oo loo arko inuu jebinayo xeerka lebbiska iyadoo kaashaneysa hay’adaha ajnabiga ah” waxay la kulmi doontaa xukunnada ugu adag.

Qof kasta oo lagu helo isgoo ku jeesjeesay xijaabka baraha bulshada ama warbaahinta ayaa sidoo kale la ganaaxi doonaa.

Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay ayaa sameeyay guddi soo saari doona istaraatiijiyad wadajir ah si loo yareeyo musuq maasuqa lagu sameeyo gargaarka.

 

- Advertisement -