Dagaalkii ka socday Sudan oo weji cusub yeeshay, kuna fiday Magaaloyin kale

Sida ay sheegayaan Wararka ka imaanaya magaalada Nyala ee xarunta gobolka Darfur dagaallo culus ayaa ku dhaxmaray ciidamada dowladda Suudaan iyo xoogaga hubeysan ee ka soo horjeeda.

Dadka u dooda xuquuqul insaanka ayaa sheegay in taangiyada ay yaalaan wadooyinka, waxaana tan iyo waabarigii dhacayay madaafiic.

Maleeshiyada gacan saarka la leh RSF ayaa lagu eedeeyaa inay dhac ka geystaan ​​suuqyada magaalada.

Shabakadda taleefoonnada gacanta ayaa si dirqi ah u shaqeynaya, dadka deggan magaalada oo aan koronto heysan ayaa cabsi ku jira.

Madaxweynaha Kenya, William Ruto, ayaa sheegay inay jiraan calaamado muujinaya in xasuuq uu ka socdo Suudaan.

Kooxaha xuquuqul insaanka ayaa ku eedeeya RSF-ta iyo malleeshiyaadka Carabta inay laayaan oo barakicinayaan dadka aan Carabta ahayn ee gobolka Ku nool oo asalkoodu ka jeedo afrikada Madow.

Suudaan oo dhan in ka badan laba milyan iyo bar qof ayaa ka qaxay guryahoodii tan iyo markii uu dagaalku ka qarxay sida saxda ah toban toddobaad ka hor sida ay sheegtay Qaramada Midoobay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -