Madaxweyne ku-xigeenka Puntland “Waxa Kismaayo ka soo baxay anigu kuma raacsani”

Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Cabdixakiin Xaaji Cumar Camey ayaa si cad uga soo horjeestay qodobadii ka soo baxay shirkii madaxda Maamul goboleedyada ee Kismaayo lagu soo gebagebeeyey.

Camey ayaa sheegay in waxyaabaha ka soo baxay shirka Kismaayo ay yihiin kuwo sharci daro ah oo aysan ku farxeynin shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan.

“Waxa Kismaayo ka soo baxay anigu kuma raacsani la igalamana tashan, haddii la igala tashan lahaana sida ay u dhigeen si ka duwan baan u dhigi lahaa”  ayuu yiri Camey.

Waxaa uu sheegay in maamulka Puntland uusan aheyn hal shaqsi, balse uu ka kooban yahay sadex heyadood oo isla shaqeeya, isagoo xusay in go’aamada noocan ah ee masiiriga uusan kelligiis qaadan karin shaqsi socda.

“Dowlada federaalka waa dowlada dhexe ee Somalia, wax badan baa inaga dhexeeya, dad isku midab ah oo wax wada leh baynu nahay, waxyaabaha laga cabanayo waxay ku haboon tahay in lagala hadlo ileyn dad isku af baynu nahay, wixii la isla ogolyahayna la isku raaco,m wixii lagu kala duwan yahayna si walaalnimo ah loo xaliyo”  ayuu yiri madaxweyne ku xigeenka Puntland.

Camey ayaa sheegay iney qalad tahay dowlad federaalka in lagu eedeeeyo amni darada ka jirta meelo ka mid ah dalka, wuxuuna xusay in madaxda dowlad goboleedyadu eedaha ay dowlada u jeediyeen iyaga laftooda ay wax ku leeyihiin.

“Madaxweyne goboleed kasta isagaa masuul ka ah amniga degaanada uu maamulo, waa nasiib daro in howl ay iyagu qaban waayeen inay ku eedeeyaan oo ku cam-camiyaan dowlada federaalka” ayuu yiri Madaxweyne ku-xigeenka Puntland.

Camey ayaa noqonaya Madaxweyne ku-xigeenkii labaad ee maamul goboleedyada oo ka soo horjeestay qodobadii ka soo baxay shirkii madaxda dowlad goboleedyada ee Kismaayo ku soo dhamaaday, kuwaasoo ay ku sheegeen iney hakiyeen xiriirkii ay la lahaayeen dowlada federaalka, iyagoo eedeymo kala duwan u jeedinaya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -