Saraakiil ka socota Mareykanka oo soo gaaray Muqdisho (Daawo Sawirada)

Saraakiil ka socotay dowlada Mareykanka ayaa soo gaaray magaalada Muqdisho, waxa ayna saraakiishan kulan la qaateen Taliyaha ciidanka Milatariga Soomaaliya S/gaas Daahir Aadan Cilmi “Indhaqarshe” .

Taliyaha ciidanka Milatariga Soomaaliya ayaa saraakiishan ka socotay dowlada Mareykanka kusoo dhaweeyay xafiiskiisa, waxa ayna kawada hadleyn arimo kala duwan ay ku jiraan dib u dhiska ciidanka xooga Soomaaliya.

Saraakiisha Mareykanka ayaa sheegay in dowlada Mareykanka diyaar u tahay taageerida ciidanka Soomaaliya gaar ahaan tababarida, xog is dhaafsiga iyo dagaalka ka dhanka ah kooxaha argagaxisada .

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya S/gaas Daahir Aadan Cilmi ayaa uha mahad celiyay dawladda Mareykanka  taageerida iyo tababarada ay siinayaan ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya.

Soomaaliya waxaa ku sugan ciidamo iyo saraakiil Mareykan ah, waxa ayna ciidankan taageero siiyaan ciidanka Kumaandooska Soomaaliya oo howlgalo qorsheesan ka fuliya goobaha ay Al Shabaab maamulaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -