Ciidanka RSF oo laga xanibay Mushaarka iyo Jeneralo Shaqada laga cayriyey

Madaxa Golaha Milliteriga ee haya Talada dalka Sudan, Jeneral C/Fataax Al-Burhan ayaa soo saaray awaamiir lagu xanibayo lacagaha mushaaraadka ee ay Ciiddanka u Tababaran sida Milliteriga ee RSF ugu soo dhici jiray xisaab lacageedka  ay ku leeyihiin dhammaan bangiyada dalkaasi iyo faracyada uu dibedda ku leeyahay.

Mushaar joojintaasi waxaa kaloo qeyb ka ah shirkadaha xiriirka shaqo la leh ciidanka Gurmadka Degdega ee RSF , waxaa sidoo kale xanibaad la saaray dad kale oo aad ugu dhaw dhaw ciidamada RSF.

Tallaabadan ayaa timid, hal bil kadib, markii uu Dagaal ka dhex qarxay Ciiddanka Dowladda Sudan iyo kuwa Gurmadka Degdega ee RSF, dagaalka oon wali lagu kala adkaan ayaana ka socda qeybo kamid ah dalka Sudan.

Dhanka kale, Jeneral C/Fataax Al-Burhan waxa uu Xilka ka qaaday guddoomiyihii Bangiga Dhexe ee Sudan, Xuseen Yaxye Jankol , waxaana lagu bedelay mid ka mid ah Ku-xigeenkeeda Bangiga Dhexe oo lagu magacaabo Burci El Sadiiq Cali Axmed.

Jeneral Alburhan waxa kale oo uu Hawlgab u diray uu shaqadana ka fadhiisita afar Jeneral oo aad ugu dhaw qaarkoodna qaraabo la ah taliyaha ciidamada RSF, lamana sheegin sababaha looga joojiyey shaqada milliteriga.

Magacyada Saraakiisha Hawlgabka loo diray waxay kala yihiin: Othman Mohamed Hamad, Hassan Mahjub Al-Fadil, Abshir Jibril Balayal iyo Imar Hamdan Hamad oo kamid ahaa saraakiisha sar sare ee ciidamada.

Si kastaba, Dagaalka u dhexeeya Labada Ciiddan ee ka wada tirsan Milliteriga dalkaasi oo  hal bil sii dhaafay, waxaa ku dhintay dagaalkaasi ugu yaraan 676 qof, halka ay 5,576 kalena ku dhaawacmeen.

W/T Ustaad Nuradin Abuukar

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -