Galmudug oo Shaacisay in ay qabanayaan Doorasho qof iyo Cod ah iyo Qoor Qoor oo…

Dowlad goboleedka Galmudug ayaa shaacisay in doorasho qof iyo cod ah ay qabanayaan dhammaadka sannadkan 2023, si dadku usoo doortaan golayaasha ku matalaya dowlad goboleedka Galmudug.

Golaha wasiirrada dowlad goboleedka Galmudug oo kulan ku yeeshay magaalada Dhuusomareeb ayaa isku raacay in la qaban qaabiyo doorasho qof iyo cod ah, waxa ayna wasiirradu tilmaameen in la joogo xilligii la qaban lahaa doorashadaasi.

Siyaasiyiinta kasoo horjeeda madaxweynaha Galmudug Axmed Qoor Qoor ayaa aaminsan in doorashada qof iyo cod ee Qoor Qoor iyo wasiirradiisa qaban qaabinayaan ay tahay mid ujeedooyin kale laga leeyahay ayna rabaan muddo kororsi.

Waxa ay sheegeen siyaasiyiintan in aan xilligan la joogin xilligii Galmudug ka dhici laheyd doorasho qof iyo cod ah, waxa ayna xuseen in waqtiga u haray Qoor Qoor aysan suurto gal ka dhigi karin in doorasho qof iyo cod ah ay dhacdo.

Doorashada qof iyo cod ah ayaan wali Soomaaliya ka dhicin, maamulka Puntland oo qorsheenaya qabashada doorashadasai ayaa waxaa ka dhashay khilaaf xooggan, dowladda Soomaaliya ayaana ku baaqday in la qabto nuuc doorasho oo raali laga wada yahay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -