Salmaan Khan oo ka hadlay sida ay u saameesay Hanjabaadyo Dil ah oo loo soo diray

Jilaaga caanka ah ee dalka Hindiya Salman Khan ayaa ka hadlay farriimo hanjabaadyo ah oo hawada loo soo mariyay, waxa uuna sheegay jilaaga in saameyn badan noloshiisa ku yeelatay farriimaha hanjabaadyada ah.

Salmaan Khan ayaa qiray in ay jiraan hanjabaadyo dhowr ah oo hawada loo soo mariyay, waxa uuna xusay in booliiska Hindiya la wadaagay hanjabaadyada loo soo diray, isagoona tilmaamay in uu qaadanayo tallooyinka booliiska siiyeen.

Waxa uu sheegay jilaaga caanka ah ee Salman Khan in uu si dhab ah u qaadanayo farrimaha hanjabaada ha ee loo soo diray, waxa uuna xusay in uu wax badan ka badelay noloshiisii hore lana soo daristay cabsi.

”Inaan waddada baaskiil ku wato, meel walba aan keligey aado, taasi maahan suurtogal maaha. Waxaan sameynayaa wax walba oo la igu amray inaan sameeyo. Aad ayaan u digtoonahay” ayuu yiri Salmaan Khan.

Jilaaga Salmaan Khan ayaana dhawwaanahan waxaa soo gaarayay farriimo hanjabadayo ah, waxaana magaalada Mumbai ee dalka Hindiya mar sii horeesay booliiska ku xireen nin hanjbaaadyo usoo diray Jilaaga.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -