Madaxweyne Xassan Shiikh oo Malmaha soo socda ku wajahan Addis ababa (Ujeedka)

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS ayaa xarunta Midowga Afrika ee Addis Ababa uga qayb-galay furitaanka shirka sanad-laha ah ee Midowga Afrika, heerkiisa wasiirrada arrimaha dibedda.

Waxaa sanadkan looga hadli doono dardar gelinta iskaashiga dhaqaale ee Afrika iyo fududaynta ganacsiga ka dhexeeya dalalka qaaradda Afrika.

Shirkan oo hordhac u ah midka Madaxweynayaasha Qaaradda oo 18-ka bishan ka furmaya magaalada Addis Ababa ayaa sanadkan loogu tartami doonaa hoggaanka guddiyada kala duwan ee qaaradda.

Madaxweynaha Somalia Xassan Shiikh Maxamuud oo haatan ku sugan dalka talyaaniga ahaa la filayaa inuu maalmaha soo socda ka dega Addis ababa si uu uga qeyb galo shir madaxeedka Afrika.

Soomaaliya ayaa rajo weyn ka qabtaa inay ku guuleeysato hoggaanka mid ka mid ah guddiyada ugu muhiimsan qaaradda ee shirweynahan lagu dooranyo.

- Advertisement -