Booliiska oo qabtay burcad hubeesan oo dhac ka geesaneysay xaafado katirsan Muqdisho (Sawirro)

Ciidanka Booliska qeybta guud ee gobolka Banaadir gaar ahaan ciidanka Saldhigga Degmada Heliwaa oo saaka Howgal Amni xaqiijin ah ka sameeyay waaxyaha kala duwan ee Degmada Heliwaa ayaa gacanta kusoo dhigay Koox burcad hubaysan ah oo kamid ah kooxaha dhaca u geesta dadka Shacabka ah.

Kooxdaan oo ka kooban afar ruux rag ah sida idiin muuqata ayaa xiliga lasoo qabanayay ku jiray falal lidi ku ah Amniga Bulshada, waxaana sidookale lagu soo qabtay hubkoodii ay wateen oo ay ku dhici jireen Shacabka caasimada, iyadoona xili la qabanayay xabado ku furay ciidanka Amaanka ee Howgalka ku jiray.

Ciidanka Booliska ayaa soo qabashada Kooxdaan burcadka ah waxa ay xogtooda ka heleen Shacabka degmada Heliwaa oo si buuxda ugala shaqeeyay ciidanka Booliska Degmada iyo Taliska qeybta ee Gobalka Banaadir.

Eedeeysanyaashan ayaana la hor geenayaa Hey’adaha kale ee garsoorka si looga qaado tilaabo Sharciga waa faqsan.

Taliska qeybta Guud ee Gobolka Banaadir waxa uu Markasta u taganyahay in uu si buuxda ugu adeego Bulshada Caasimada si loo cirib tiro kooxaha burcadka hubeysan ah ee Bulshada dhibaateeya iyo kuwa Argagaxisada intaba.

 

- Advertisement -