Cristiano Ronaldo oo ku biiray Koox Carbeed iyo Lacagta uu Sannadkii uu qaadanayo oo…

Kabtanka xulka waddanka Portugal Cristiano Ronaldo ayaa ku biiray kooxda Saudi Arabia ee Al Nassr, isaga oo la gaaray heshiis laba sano iyo bar ah, sida ay kooxdani ku dhawaaqday Jimcihii, kadib markii uu ka tagay Manchester United, isaga oo bilshii lasoo dhaafay ahaa xor.

Ronaldo ayaa ka tagay Old Trafford bishii hore kadib uu bixiyay wareysi ka careysiiyay Manchester, waxaana 37 jirkaan weerarka ka ciyaara uu ku sheegay inuu dareemayo khiyaano uu kala kulmay, isaga oo sheegay in aanu ixtiraam u heyn tababarahooda reer Holland Erik ten Hag.

Al Nassr, ayaa soo saartay bayaan ay ku sheegtay in xiddiga shanta jeer ku guuleystay abaal marinta ciyaaryahanka ugu wanaagsan dunida ee Ballon D’or uu ku biiri doono heshiis dhacaya 2025, laakiin ma aysan shaacin wax tafaasiil maaliyadeed ah.

Ronaldo ayaa markii uu si rasmi ah ugu wareegay kooxda Al Nassr saxiixay qandaraas labo sannadood ah uu sannadkii ku qaadanayo 200 milyan doolar. Waana lacagta ugu badan uu ciyaaryahan qaato.

“Waxaan rajeynayaa inaan ku biiro saaxiibadeyda cusub oo aan si wadajir ah u caawiyo kooxda si ay guulo u gaarto.” ayuu Ronald ku yiri bayaan uu soo saaaray.

Ronaldo ayaa Sucuudiga ku iman doona isaga oo wata abaalmarinno badan oo heer naadi ah kadib markii uu wacdaro ka dhigay kooxda reer Spain ee Real Madrid intii u dhaxaysay 2009-18 isaga oo kula guulaystay laba koob oo LaLiga ah, laba koob oo Spain ah, afar koob oo Champions League ah iyo saddex koob oo koobka kooxaha adduunka ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -