Farkeeti oo ka hadlay qaabka uu ku bilowday dagaalka ka socda Magaalada Baydhabo

Wasiirkii hore ee Maaliyadda Xukuumada Soomaaliya Maxamed Aadan Farkeeti ayaa sheegay in dagaalka saaka ka bilowday magaalada Baydhabo uu bilowday ka dib weerar lagu soo qaaday hoyga uu ka degan yahay Baydhabo

Waxaa uu intaas ku daray in ciidamada soo weeraray hoygiisa aysan aheyn kaliya ciidamada maamulka Koonfur Galbeed, balse ay qeyb ka yihiin Booliska, NISA iyo ciidanka Xoogga dalka

“Gurigeyga Baydhabo ku yaalla waxaa saaka weerar gardaro ah ku soo qaaday ciidamo isugu jira Booliska Federaalka, Nabad sugida, darawiishta Koonfur Galbeed iyo kuwa xoogga dalka. dagaalkana waa socdaa weli,” ayuu Farkeeti ku yiri qoraal kooban oo uu soo saaray isagoo ku sugan magaalada Muqdisho.

Maxamed Aadan Farkeeti ayaa ka mid ah siyaasiyiin mucaarad ah oo ka soo horjeeda muddo kororsiga Lafta-gareen, kuwaasoo Baydhabo ka abaabulayey ciidamada Badbaado ee dhawaan looga dhawaaqay halkaasi, waxaana gurigiisa ku dagaalamaya ciidamada isaga daacad u ah iyo kuwa maamulka.

Madaxweyne Laftagareen ayaa horey u sheegay ineysan Magaalada Baydhabo ka shaqeyn karin ciidanka la baxay badbaadada koonfur galbeed, isagoo shuruud ku xiray inuu ka dego xilka lana qabto doorasho, taasoo ah in marka hore uu baarlamanka mamaulkaas ka laabto go’aankii muddo kordhinta halka sano ah.

Khasaare dhimasho iyo dhaawac leh ayaa la soo sheegayaa inuu ka dhashay dagaalka, inkasta oo si rasmi ah aan loo ogeyn, waxaana kacsan xaalada magaalada Baydhabo, dhaqdhaqaaqa ganacsiga iyo socodka dadka iyo gaadiidka ayaana joogsaday

HOOS KA DAAWO HADALKA SHARIIF XASSAN

- Advertisement -