Raisul Wasaare Xamse oo u mahad celiyey danjire Abdifatah Abdullahi Hassan (Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Hamza Abdi Barre ayaa galabta xafiiskiisa kulan sagootin ah kula yeeshay Safiirka Itoobiya ee Soomaaliya, Cabdulfataax Cabdullaahi Xasan.

Mudane Xamse ayaa Danjire Cabdulfataax uga mahadceliyay mudadii uu ka shaqeynayay Soomaaliya hawshii uu ka qabtay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga ka dhaxeeya labada dal ee Soomaaliya iyo Itoobiya.

Danjiraha ayaa isna ka mahadceliyay soo dhaweynta diiran iyo haddiyad uu Ra’iisul Wasaaruhu galabta guddoonsiiyay Danjiraha Cabdifitaax Cabdullaahi Xasan.

Dowlada Itoobiya ayaa la filayaa iney soo magacowdo danjire cusub oo u fadhin doona Soomaaliya ka dib markii uu muddo xileedkiisa dhamaaday Cabdulfataax Cabdullaahi Xasan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -