Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo si adag uga hadlay Sharciga muranka dhaliyay ee Jinsiga

Gudoomiyaha golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Madoobe ayaa ka hadlay sharciga muranka badan dhaliyay ee jinsiga, kaa oo loo ololeenayo in baarlamaanka la horgeeyo si loo ansixiyo.

Sheekh Aadan Madoobe oo ka hadlay kulan wadajir ah ay isugu yimaadeen xildhibaanada labada aqal ayaa ballanqaaday in aan marnaba la horkeeni doonin baarlamaanka sharci kasoo horjeeda Diinta iyo dhaqanka Soomaaliya.

Waxa uu sheegay Sheekh Aadan Madoobe in aysan qaban doonin kana doodi doonin wax lidi ku ah diinta iyo dhaqanka suuban, waxa uuna cadeeyay in aysan marnaba raali ka aheyn wax kahor imaanaya diinta iyo dhaqanka.

“Xildhibaanada sharafta leh maanta labada Aqal waan fadhinaa midbaan idin caddeyneynaa oo idin ballan-qaadeynaaa wax Diinta Islaamka waafaqsaneyn,Dastuurkeena iyo shuruucda dalkana aan waafaqsaneyn inta aan qabano ma idin horkeeneyno” ayuu yiri Aadan Madoobe .

Guddoomiyaha golaha shacabka Sheekh Aadan Madoobe oo markii uu ka hadlay sharciga jinsiga ee muranka dhaliyay wajigiisa ka muuqatay carro ayaa cadeeyay in Dastuurka dalka uu aasaas u yahay shareecada Islaamka ayna diidan yihiin wax shareecada baalmarsan.

Hadalka guddoomiyaha golaha shacabka ayaa imaanaya xilli kuxigeenka 1-aad ee golaha Xildhibaan Sacdiya Yaasiin ka dhawaajisay hadalo carro badan abuuray oo ay ugu ololeeneesay meel marinta sharciga jinsiga oo horey baarlamaankii hore u diideen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -