Sacuudiga oo balaayiin dollar ku bixinaya dhismaha Magaalo badda dul sabeyneysa (Sawirro)

Dowlada Sacuudiga ayaa aduun gaaraya £6.8 bilyan ku bixineysa dhismaha magaalada sabaynaysa badda dusheeda taasoo u sameysan qaabka qoolleyda oo kale.

Waxaa Dhismahan loo yaqaan Pangeos waxayna noqon doontaa qaab-dhismeedka sabeeya ee ugu weyn inta la ogyahay.

Studiyaha naqshadeynta Talyaaniga Lazzarini ayaa sheegay in markabka uu dhererkiisu yahay 550 mitir, halka ugu ballaaranna uu ku yaal 610 mitir.

Marti gelinta 60,000 oo marti ah ayey magaalada qaadi kartaa, waxay ka kooban tahay hoteello, xarumo laga dukaameysto, jardiinooyin, iyo sidoo kale dekedaha maraakiibta iyo diyaaradaha.

Dhismuhu wuxuu qaadan doonaa siddeed sano, iyadoo Lazzarini uu sheegay in magaaladan loogu magac daray Pangea oo aheyd qaaradda weyn ee jirtay malaayiin sano ka hor intii lagu jiray xilligii Paleozoic iyo horaantii Mesozoic.

Markabka qaabka qoolleyda u sameysan wuxuu noqon doonaa qaab-dhismeedka ugu weyn ee sabbeynaya ee abid la dhiso. sida ay aaminsan yihiin khubarada arrimahaas ku taqasusay

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -