Raisul Wasaaraha dalka oo balanqaad ka helay ganacsatada Muqdisho (Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Hamza Abdi Barre ayaa kulan la qaatay xubno ka socday Ganacsatada Soomaaliyeed oo uu kala hadlay kaallinta kaga aadan Gurmadka iyo taakuleynta dadkii ku waxyeeloobay qaraxii ka dhacay Soobe 29kii bishii Oktoobar.

Kulanka oo ay goob joog ka ahaayeen guddiga heerka wasiir iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ee gurmadka ayaa diiradda lagu saaray doorka ganacsatadu ay ku leeyihiin samatabixinta iyo midaynta kaalmada dhaqaale ee lagu taakuleynayo dadka ay wax yeelladu ka soo gaartay qaraxyadii Muqdisho.

Xamse ayaa ganacsatada ugu mahad celiyey doorkooda muuqda, isagoo xusay in wadajir xoogga loo saaro sidii shacabka loogu gurman lahaa, dowladduna ay qaaday tallaabooyin wax ku ool ah, lana sii wadi doono howlaha gurmadka, shacabka Soomaaliyeedna looga baahan yahay in ay sii kordhiyaan gurmadka iyo dadaalka ay wadaan.

Ganacsatada ayaa balan-qaaday iney kaalintooda ka qaadan doonaan gurmadka socda ee loo sameynayo dadka waxyeeladu soo gaartay.

Ugu yaraan 120 qof ayaa ku geeriyootay, halka 370 kalena ay ku dhaawacmeen qaraxyadii ka dhacay nawaaxiga Soobe oo ay masuuliyadiisa sheegatay kooxda Al-Shabaab.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -