Maxay ka wada hadleen Wasiirka Gaashaandhiga DF & dhigiisa Gen. Yasin Ibrahim? (Sawirro)

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda federaalka Soomaaliya Cabdiqaadir Maxamed Nuur iyo wafdi uu hogaaminayo oo booqasho rasmi ah ku jooga Wadanka Suudaan ayaa la kulmay dhigiisa Suudaan S/Guud Yaasiin Ibraahim Yaasiin.

Labada Wasiir ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga soo jireenka ah ee ka dhaxeeyo labada dal ee Walaalaha ah iyo sidii Soomaaliya looga taageeri lahaa la dagaallanka Al-Shabaab

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane Cabdiqaadir Maxamed Nuur Jaamac ayaa uga mahadceliyay Dhiggiisa Dalka Suudaan iyo Taliyeyaasha kale ee ciidamada qalabka sida ee dalkaas sida diiran ee ay u soo dhaweeyeen Wafdigiisa.

Wasiirka gaashaandhiga Suudaan S/Guud Yaasiin Ibraahim Yaasiin ayaa sheegay in dowladiisa ay taageero buuxda u heyso dagaalka ay dowlada Somalia kula jirto Al-shabaab, wuxuuna sheegay inuu la dhacsan yahay sida isku duubnida leh ee DF iyo shacabkeeda ula dagaalamayaan Al-shabaab.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -