Madaxweyne Laftagareen iyo Wasiir Abuu Mansuur oo maanta laabta is galiyay (Sawirro)

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, iyo wasiirka diinta iyo owqaafta xukuumadda Soomaaliya Sheekh Mukhtaar Roobow Cali ayaa maanta la arkay iyaga oo laabta is galinaya.

Laftagareen iyo Wasiir Abuu Mansuur ayaa maanta isku arkay shirweynaha wadatashiga Qaran ee la dagaalanka iyo daaweynta fikirka xagjirka ah oo Muqdisho lagu qabtay, waxa ayna labada masuul si kadis ah isku gacaliyeen gacmaha iyo laabta.

Labadan masuul ayaa xiriirkooda aad u xukumaa sannadihii lasoo dhaafay, Madaxweyne Laftagareen ayaa la sheegay in uusan raali ka aheyn in xabsiga laga soo daayo Abuu Mansuur sidoo kale laga dhigo wasiir katirsan xukuumadda Soomaaliya.

Madaxweyne Laftagareen ayaana la sheegay in uu  ka dambeeyay in la xiro muddo sanado ahna xabsiga lagu hayo Abuu Mansuur, waxaana xilliga wadaadkan la xirayay doonayay in doorashada Madaxweynaha Koonfur Galbeed kula tartamo Laftagareen oo Farmaajo watay.

Xiriirka ka dhaxeeya Madaxweyne Laftagareen iyo Abuu Mansuur ayaa ahaa mid aad u xumaa, lamana oga in labada siyaasi hadda xal ka gaareen khilaafkii ka dhaxeeyay iyo laab is gelinta maanta kaliya aheyd dareen dadka loo muujinayay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -