DF oo Shaacisay in howlgalo lagu laayay Saraakiil iyo xubno badan oo katirsan Al Shabaab

War kasoo baxay dowladda Soomaaliya ayaa lagu shaaciyay in hawlgallo ay iska kaashadeen Sirdoonka Qaranka iyo saaxiibadooda caalmiga ah ee taageera lagu laayay horjoogayaal iyo dagaalyahano katirsan Alshabaab, sidoo kale lagu burburiyay Gaadiid u siday saanad ciidan iyo walxaha qarxa .
.

Dowladda ayaa warka kasoo baxay lagu sheegay in hawlgalladaan 48-dii saac ee la soo dhaafay ay dhaceen deegaanka Masaajid Cali-guduud iyo Bur-colow oo sidoo kale loo yaqaano Doolile oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Dhexe.

War DF ayaa lagu sheegay in hawlgalka Koowaad oo la fuliyay Sabti 22-kii October lagu beegsaday garaash iyo guri ay ku shirayeen horjoogayaal iyo dagaalyahano, halkaasna lagu dilay 21 xubnood ka tirsan Al Shabaab oo ay ku jiraan horjoogayaal uu ka mid ahaa Horjooge Cabdullaahi Cali Caraale.

Hawlgalka labaad waxaa uu dhacay 23 bisha oo shalay ahayd 3:30pm galabnimo waxaana laga fuliyay nawaaxiga magaalada Masaajid Cali-Gaduudd goob bartimaameed gaar ah u ahayd Hay’adda NISA waxaana lagu dilay 11 ka tirsan Al Shabaab iyadoo lagu dhaawacay in ka badan 30 kale oo halkaas ku sugnaa.

Hawlgalka seddexaad ugana xoogganaa wuxuu dhacay xalay 9:40pm, 10:25pm, 10:43pm, 12:00am saq-dhexe, waxaana uu ka dhacay deegaanka Bur-coloow dadka qaarna u yaqaanaan Doolile oo Maasjidka Cali-guduud u jira 10km dhanka galbeed halkaas oo farriisan weyn u ahayd Al Shabaab, waxaa goobta weerarka ku sugnaa kooxda jabhada oo uu hogaminayay horjooge Muscab Cabdulle Saneey iyo horjoogayaal kale oo qorsheynayay weerar ay ku soo qaadaan Ciidanka Qaranka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -