(Sawirro) Soomaali mindi ku hubeysan oo labo qof ku dilay Magaalada Ludwigshafen

Nin ku hubaysan mindi ayaa laba qof ku dilay, mid kalena ku dhaawacay Magaaladda Ludwigshafen ee galbeedka dalka Jarmalka.

Booliska ayaa Rasaas ku dhaawacay Eedaysanaha inta aanay gacanta ku dhigin ka hor, waxaana lagu daweynayaa goob ay ilaalo ka hayaan booliska.

Saraakiisha Boolisku wali ma cadayn dhalashadda qofkan Weerarka  gaystay hase ahaatee ilo wareedyo kala duwan ayaa warbaahinta Jarmalka u sheegay inuu yahay qof Soomaali ah.

Booliska ayaa Xiray goobta Falku ka dhacay, halkaasoo ay ka wadaan baaritaano, mana cadda sababta uu ninkan labada qof u dilay, qofka kalena u dhaawacay.

Booliska ayaa xusay iney baaritaanka ka dib faahfaahin ka bixin doonaan kiiskan oo cabsi badan ku abuuray Soomaali badan oo ku nool dalkaas.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -