Cali Jeyte & Sanbaloolshe oo gaaray Yasooman ka dib dagaalkii maanta (Sawirro)

Gudoomiyaha Gobalka Hiiraan mudane Cali Jeeyte Cismaan oo u wehliyo Xildhibaan Cabdullahi Maxamed Cali Sanbaloolshe iyo masuuliyiin ka’tirsan Dowlad Gobaleedka Hirshabelle ayaa gaaray galabta Degaanka Yasooman oo saaka ay weeraro ku soo qaadeen Al-Shabaab.

Cali Jeeyte Cismaan iyo xubnaha la socday ayaa u kuurgalay xaalada deegaanka Yasooman iyo Degaanada hoos yimaado ee ku teedsan Degmadda Buulo-burde ee Gobalka Hiiraan.

Gudoomiye Cali Jeyte Cismaan ayaa xusay ina Al-shabaab mar walbo casharo waaweyn loogu dhigayo Gobalka Hiiraan xili kasta oo ay soo haweystaan Deeganadii laga saaray.

Gudoomiyaha Gobalka Hiiraan mudane cali jeeyte Cismaan ayaa kula Dardaarmay ciidamada qalabka sida iyo Dadka Deegaanka iney sii laba jibaaraan Baacsiga wax uu ku yeeray argagixisada oo aan lagu sugin kaliya Difaacyada si loo xaqiijiyo amniga guud ee Deeganada Gobalka Hiiraan.

Dagaal qaraxyo ku bilowday ayaa saaka iyo duhurnimadii ka dhacay degaanka Yasooman oo 25km woqoyi bari ka xiga degmada Buulo Burde ee gobolka Hiiraan ka dob markii xoogag al shabaab ay duulaan  culus ku soo qaadeen ciidamada DF iyo kuwa degaanka ee halkaas ku sugnaa khasaare baaxad leh ayaana aka dhashay dagaalka kaasoo kala gaaray labada dhinac.

- Advertisement -