Xildhinbaan hore iyo Wariye siyaabo kala duwan loogu dilay Muqdisho

Gelinkii dambe ee maanta ayaa waxaa agagaarka beerta nabada oo ku dhow madaxtooyada lagu dilay Wariye ka tirsanaa mid ka mid ah TV-yada ka hawlgala magaalada Muqdisho, iyadoo goor dhowna la qaarajiyey xildhibaan hore.

Dilkan weriyaha ayey wararku sheegayaan inuu geystay askari ka tirsan ciidamada dowlada.

Wariyaha la dilay ayaa lagu magacaabi jiray C/risaaq Qaasim Iimaan, wuxuuna ka hawlgali jiray TV-ga SBS oo ka mid ah TV-yada Soomaalida.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in dilka ka hor uu jiray muran dhexmaray askariga iyo Wariyaha la dilay oo xilligaasi saarnaa Mooto Bajaaj.

Marxuumka ayaa dhaawac ahaan goobta looga qaaday, balse markii Isbitaalka la geeyay ayuu u geeriyooday dhaawicii soo gaaray, sida ay xaqiijiyeen qaar ka tirsan eheladiisa.

Agaasimaha TV-ga SBS qeybta Muqdisho Maxamed Nuur Dhakane ayaa xaqiijiyay geeriga Wariyaha, wuxuuna dowladda ka dalbaday in cadaalada la horkeeno askarigii falkan geystay oo baxsad ku jira.

Dhinaca kale, Cali Mohamed Cabdi (Baajamaal) oo ka tirsanaa xildhibaanada baarlamankii sagaalaad ayaa isna lagu dilay degmada H/wadaag sida ay sheegayaan warar goor dhow na soo gaaray.

Rag bastoolado ku hubeysan ayaa la sheegay iney geysyteen dilka xildhibaankan hore, kuwaasoo horey u sii qaatay mobile uu watay sida ay sheegeen dad goob joogayaal ah.

Warar kale, ayaa iyana sheegaya in askari ka tirsan ciidamada dowlada uu haweeney shaah iibineysay ku dilay agagaarka Ex-kontrol Afgooye ee Magaalada Muqdisho, kaasoo ka baxsaday goobta.

Ugu yaraan 15 qof oo isugu jira askar iyo dad shacab ah ayaa 24ki saac ee ugu dambeeyey siyaabo kala duwan loogu dilay magaalada Muqdisho, waxaana dilalkaas oo ah kuwii ugu badnaa ee in muddo ah ka dhaca magaalada geystay askar iyo kooxo hubeysan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -