Maxaa kala qabsaday Christiane Amanpour oo ka tirsan CNN iyo Madaxweynaha Iran? (Sawirro)

Madaxweynaha Iran Ebrahim Raisi ayaa diiday daqiiqadii u dambeysay wareysi dheer oo sida la qorsheeyay ay la yeelan laheyd weriyaha telefishinka CNN ee dalka Mareykanka Christiane Amanpour.

Ebrahim Raisi ayaa ka qeyb galayey shirka Golaha Guud ee Qaramada Midoobay ee New York isagoo ka mid ah madaxda caalamka ee shirkaas lagu casuumay.

Diidmada wareysiga ee Madaxweynaha Iran ayaa timid ka dib markii weriye Christiane Amanpour ay diiday dalab daqiiqaddii ugu dambeysay uu soo jeediyey oo ahaa inay xirato xijaab.

“40 daqiiqo ka dib markii loo ballamay waraysiga inuu bilaabmo iyo Raisi oo soo daahay, kaaliyihiisa waxaa uu u sheegay Amanpour in madaxwaynuhu u soo jeediyay inay xirato maro xijaaban. Amanpour waxay sheegtay inay si xushmad leh u diiday.”ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay TV-ga CNN.

Amanpour oo asal ahaan ka soo jeeda Iran, kuna kortay caasimada Iran ee Tehran ayaa si fiicanna ugu hadasha afka Farisiga ee dalkaas looga hadlo waxayna sheegtay in ay xiratay maro xijaaban iyadoo Iran ku sugneyd kal hore si ay ugu hoggaansanto shuruucda maxalliga ah iyo caadooyinka, Balse waxay sheegtay inaysan madaxeeda dabooleynin maadaama ay joogto dalka Mareykanka oo sharci uusan ka aheyn xijaabka.

“Halkan New York, ama meel kale oo ka baxsan Iran, weligay ima waydiin madaxweyne Irani ah – waxaanan waraystay mid kasta oo iyaga ka mid ah tan iyo 1995 – gudaha iyo dibadda Iran, weligay la ima waydiin inaan xirto xijaab. ayay ku andacootay Christiane Amanpour

Sharciga Iran ayaa dhigaya in dhammaan haweenka ay xirtaan xijaabka madaxa iyo dharka aan ku habboonayn goobaha dadweynaha. Sharcigan ayaa Iran lagu soo rogay tan iyo 1979-kii Kacaankii Islaamiga ahaa uu la wareegay talada dalkaas, waxaana ay ku qasban tahay haweeney kasta oo dalkaas ku nool – oo ay ku jiraan dalxiisayaasha, dadka siyaasadda u booqanaya iyo suxufiyiinta.

Amanpour ayaa sheegtay in kaaliyaha Raisi uu caddeeyay in wareysiga – oo noqon lahaa kii ugu horreeyay ee madaxweynaha Iran uu ka bixiyo dhulka Mareykanka – uusan dhici doonin haddii aysan xirneyn xijaab.

Arrintan ayaa ku soo beegantay xili Mudaaharaadyo ka dhan ah dawladda ay ka dhaceen dalka Iran todobaadkii hore, kuwaasoo ka dhashay dhimashada Mahsa Amini oo 22 jir ahayd iyadoo xabsiga ku jirta, ka dib markii ay xireen booliska anshaxa ee Iran laguna eedeeyay inay ku xad-gudubtay sharciga xijaabka

Kumanaan qof ayaa isugu soo baxay waddooyinka, iyadoo haweenka qaar ay timaha iska xiireen isla markaana gubeen xijaabka iyagoo ka soo horjeeda sharcigan.

Hay’adaha u dooda xuquuqul insaanka ayaa sheegay in ugu yaraan 8 qof ay ku dhinteen dibadbaxyada, kuwaasoo ay la kulmeen howlgal xooggan oo ay sameeyeen maamulka, sida ay muujinayaan goobjoogayaal iyo muuqaallo lagu faafiyay baraha bulshada.

Bannaanbaxyada ayaa u muuqday kuwii ugu ballaarnaa ee looga soo horjeedo xukunka Jamhuuriyadda Islaamiga ah, kaasoo noqday mid aad u adag tan iyo markii la doortay dowladda uu hogaamiyo Madaxweyne Raisi sanadkii hore. Kadib sideed sano oo uu dalkaas hogaaminayey maamulkii qunyar socodka ahaa ee Hassan Rouhani.

Iran waxay dooratay Raisi, oo ah madaxa cadaalada ee muxaafidka ah, kaasoo aragtidiisu ay la jaan qaadayso fikirka wadaadada awooda badan ee dalka iyo hogaamiyaha sare ee Ayatollah Ali Khamenei.

Iraan, indho-shareerka xijaabku waa astaan ​​awood leh oo ka mid ah xeerar shakhsi ah oo ay soo rogaan hoggaamiyeyaasha wadaaddada ee waddanka, kuwaasoo xukuma waxay dadku xiran karaan, daawan karaan iyo samayn karaan. Tobankii sano ee la soo dhaafay, mudaaharaadyadu waa ay socdeen iyadoo dad badan oo Iiraaniyiin ah ay ka xanaaqeen xaddidaadahan

Amanpour ayaa qorshayneysay inay Madaxweyne Raisi wax ka weydiiso dhimashada gabadhan iyo mudaaharaadyadii ka dambeeyey iyo arrimo kale hase ahaatee wareysiga ayaa guud ahaan la kansalay markii ay diiday dalabkii ka yimid Madaxweyne Al-Raisi

“Iyadoo ay mudaaharaadyo ka socdaan Iran dadkana la dilayo, waxay ahaan lahayd waqti muhiim ah inaan la hadlo madaxweyne Raisi,” ayay Christiane Amanpour ku tiri barteeda Twitter-ka.

Hase ahaatee waxaa baraha bulshada lagu faafiyey sawirkan kore ee muujinaya Christiane Amanpour oo dalka Afghanistan wareysi kula yeelatay xiligii hore ee ay Taliban maamuleysay nin la yiraahdo Sirajudin Haqqani oo ka tirsan saraakiisha Taliban kaasoo ka mid ah ragga Mareykanku ay sida weyn u raadinayeen.

Christiane Amanpour ayaa aqbashay dalab ka yimid Sirajudin Haqqani oo ahaa iney madaxa xijaab saarato hadii kale uusan hor fadhiisan doonin iney wareysi qaado, waxayna dad badan isweydiinayaan sababta ay ninkaas uga aqbashay, haatana u diiday waana su’aasha ay qabaan dadka dhaliilay weriyaha.

Balse, Madaxweyne Al-Raisi ayaa isagana dhinaciisa dadka dhaliila waxay ku eedeeynayaan sababta uu shuruuda xijaabka ugu xiray Christiane Amanpour, maadaama ay horey Mareykanka iyo iyadoo Iran joogtaba ugu wareysatay Madaxweynayaashii ka horeeyey, iyagoo aan shuruud uga dhigin xijaab iwm, waxaana arrintan si weyn u hadal hayay saacadihii u dambeeyey warbaahinta caalamka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -