Funaanad uu soo xirtay Xidig Madow ah oo lagu iibsaday lacag ka badan 10 malyan oo doolar

Suuqa xaraashka ee Sotheby’s ee kuyaalla Dalka Mareykanka, ayaa lacag waali ah lagu iibsaday fanaanad uu xirtay halyeygii kubbadda koleyga ee Michael Jordan, intii lagu guda jiray ciyaartii furitaanka ee 1998-dii ee NBA Finals.

Funaanadan uu xirtay halyey Micjael Jordan ayaa lagu iibsaday lacag gaareya lagu iibiyay lacag dhan $10.1 Milyan doolar, waxaana fanaanadan soo jiidatay dad badan oo dalab kasoo gudbiyay, waxaana ugu dambeyn iibsaday shaqsi aan la magacaabin.

Madaxa Sotheby, Brahm Wachter, ayaa sheegay in tartamayaashii doonayay inay iibsadaan funaanadda uu xirtay Michael Jordan ay u hamuun qabeen inay yeeshaan taariikh naadir ah, waxa uuna xusay in lacag aan caadi aheyn ugu dambeyn lagu iibsaday funaanadda.

“Natiijada rikoorka jabinta ee maanta… waxay adkeyneysaa Michael Jordan inuu yahay laacib aan muran ka taagneyn taas oo cadeynaysa in magaciisa uu weli weli yahay siidii uu ahaa ku dhawaad ​​25 sano ka hor,”  ayuu yiri Brahm Wachter.

Funaanadan lagu iibsaday lacagta ka badan 10-ka milyan oo dollar ayaa jabisay rikoor horey ugu yaalay funaanad maaliyad oo uu xirtay xiddigii kubbadda cagta Diego Maradona koobkii adduunka ee 1986-dii, taa oo lagu iibsaday lacag dhan 9.28 milyan oo dollar.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -